XAFLAD AAD U BALAARAN OO KU SAADSANEYD CALEEMA SAARKA
MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA SOOMAALIYA MUDANE C/NUUR AXMED
DARMAAN AYAA LAGU QABTAY XARUNTA MADAXTOOYADA
17.8.2004


Xafladdaan oo ay ka soo qeyb galeen mudanayaasha golaha shacabka, xisbiga midnimada
jamhuuriga iyo taageerayaashiisa, golaha halgamayaasha dimuqdaariyadda qaranka soomaaliyeed
iyo qeybaha bulshada soomaaliyeed ayaa ugu horeyn barnaamika lagu furay aayadaha Qur’aanka
kariimka, intaa ka dib waxaa ka hadlay munaasabadda fahmi Cabdi Bidaar oo ku hadlayeymagaca
guddiga qaban qaabada munaasabadda caleema saarka madaxweynaha Jamhuuriyadda
Soomaaliya oo dhawaan golaha shacabku o doortay madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaalia
Mudane C/Nuur Axmed Darmaan.

Intaa ka dib waxaa munaasabaddii caleema saarka madaxweynaha ka hadlay gudoomiyaha golaha
shacabka Mudane Mustaf Muqtaar Guudoow oo ka war bixiyey marxaladihii uu soo maray golaha
baarlamaanku muddadii uu shaqeeynaayey.

Gudoomiyuhi wuxuu faah faahin dheer ka bixiyey qaabkii ay u dhacday doorashadii
madaxweynaha cusub Mudane C/Nuur Axmed darmaan taasoo uu sheegay gudoomiyuhu in ay ku
timid rabitaanka golaha shacabka waxaana loo maray sida sharcigu qabo ama uu dhigayaba
waxaa uuna carabka ku adkeeyey gudoomiyuhu xil gudasho la’aantii C/qaasim Salaad Xasan oo
goluhu ka fariistay ayna garteen goluhu in dalku u baahan yahay madaxweyne waana mida
keentay ayuu yiri in kalsoonidii lagala noqdo madaxweynihii TNG-da C/qaasim Salaad Xasan si
sharci ahna loogu codeeyo madaxweynaha cusub mudane C/Nuur Axmed Darmaan.

Intaa ka dib waxaa la guda galay dhaartii madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya oo loo
dhaariyey madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane C/Nuur Axmed Darmaan, xafladda
caleema saarka madaxweynaha ayaa wxaa ka hadlay masuuliyiin fara badan oo isugu jiray
qeybaha bulshada waxaan ka mid ahaa raggii xafladda ka hadlay: C/hi Sh. Cabdi oo ku hadlayey
golaha halgamayaasha, Shire dalfac Maxamed oo ku hadlayey magaca golaha guurtida Hawiye,
Suldaan Xeeyle Suldaan Cismaan oo ku hadlayey magaca Xisbiga Midnimada Jamhuuriga
Soomaaliyeed C/Salaan Sh. Oo ku hadlayey magaca dhaqanka beelaha Digil iyo Mirifle & Xuseen
Xoosh oo ku hadlayey magaca beelaha daarood waxayna dhammaantood cadeeyeen sida ay
raaliga uga yihiin una taageersan yihiin Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane
C/Nuur Axmed Darmaan xilka loo doortay.

Xafladdaan oo dadkii ka qeyb galay waxaa maaweelinaayey kooxda caan baxday ee Iftin oo ka
tirsaneyd wasaaraddii waxbarashada iyo barbaarinta ayaa waxay ku soo dhammaatay sidii loogu
talagalay.

W/D. Cabdullaahi Xarbi Faarax Saalim
Mr. Sheere Dalfa
PRESIDENT DARMAN SEWERING IN TO LEAD SOMALI REPUBLIC