Ujeedo: GO’AANKII GOLAHA
SHACABKA

Maanta oo aay taariikhdu tahay
12-8-2004, waxaa shir aan caadi
aheyn isugu yimid Xubnaha
Golaha Baarlamaaka
soomaaliyed oo ka kooban 133-
xubnood oo ka dooday
mowshinno ay soo jeediyeen 91-
Xildhibaan  iyo mowshin ay hore
u soo jeediyen 17-Wasiir ee
dowladda K.M.G, mowshinnadaas
oo ku saabsanaa eedeyn ah:

1.        Xilgudasho la’aan
2.        Ku xad gudub Axdiga
Qaranka.

Oo uu kukacay Dr. C/qaasim
Salaad Xasan,
Hadaba golaha shacabka marka
uu arrintaas ka dooday waxaa u
sugnaatay in C/qaasim Salaad
Xasan uu si buuxda u galay
arrinta kor ku xusan qodobada
24-aad farqaddiisa 18-aad iyo 2-
aad ee Axdiga Qaranka.

Go’aan

Golaha baarlamaanka marka uu
muddo aad u dheer uu ka
dooday eedeynta la soo hor
dhigay ee la xariirta Xilgudasho la’
aan, iyo ku xad gudbid Adiga
Qaranka sida uu tilmaamayo
qodobka 24-aad farqaddiisa 18-
aad iyo 2-aad ee Axdiga Qaranka
waxaa loo gudbay hab raaca
codeynta oo ah:

1.        Waxaa ayidday 127-
Xildhibaan.
2.        Waxaa ka aamustay 4-
Xildhibaan.
3.        Waxaa diiday 2-Xildhibaan.

Waxaa uu Baarlamaannku
Soomaaliyeed uu Go’aamiyay:

1.        In si sharci ah uu
Baarlamaanka xilka uga qaaday
Dr. C/qaasim Salaad Xasan xilkii
madaxweynenimada laga bilaabo
12.8.2004, taas oo waafaqsan
qodobka 24-aad farqaddiisa 18-
aad iyo 2-aad.

Mowshinka labaad

Xildhibaannada Baarlamaanka
Soomaaliyeed waxay soo
jeediyeen mowshin ah xaaladda
dalku ku sugan yahay ay lagama
maarmaan tahay in la buuxiyo
jagadii xilka madaxweynenimo
waxaana la soo sharraxay
mudane Dr. C/nuur Axmed
Darmaan, dood dheer ka dib
waxaa loo gudbay habraaca
codeynta oo ah:

1.        Ogolaatay 130-Xildhibaan.
2.        Diiday 0 (Eber) -
Xildhibaan.
3.        Ka Aamustay 3-
Xildhibaan.

Waxaa uu Baarlamaanka
Soomaaliyeed go’aamiyey:

1.        In Xilka Madaxweynenimo
ee Jamhuuriyadda Soomaaliya,
Baarlamaanku u doortay
Madaweynaha shacabku soo
oortay Dr. C/nuur Axmed
Darmaan Laga bilaabo 12.8.2004.

GUDOOMIYAHA GOLAHA
BAARLAMANKA
Dr. MUSTAF MUQTAAR
GUUDOW