. . .
Objective: "To build a nation that stands for its people and its national heritage with the help of God and the will of its people" President Darman
Sindiya studios, Mogadishu Somalia
Government of Somalia emblem
Somali government
OFFICIAL WEBSITE OF THE SOMALI GOVERNMENT
TFG  HAS NO MANDATE TO SIGN ANY AGREEMENTS SO PLEASE IF ANY COMPANY OR ANY GOVERNMENT THAT  DOES SIGN WITH THEM IT WILL NOT BE
ACCEPTED BY ANY ONE . THE SOMALI PEOPLE WILL NOT ACCEPT ANY THING THE TFG SIGN SO WE ARE NOT RESPONSIBLE ANY COMMITMENTS THEY SIGN.
Maxaad Ka Taqaan Xanuunka Autism-ka

Autism waxay taabatay dhuuxeeni iyo dheecaankeeni oo ah caruurteena ilaahay hibada inooga
dhigay. Waa in waalidiinta Soomaliyeed ay la da'daalaan caruurtooda oo ay mar walba la
tashadaan dhakhtarkooda. Waxan rajaynaynaa in umadda Soomaliyeed ee caruurtoodi
autismka qabin ay ogaadaan xanuunka ay waalidiintu dareemayso oo ay na garab istaagaan.
Waxaa kale oo muhiim ah in la fahmo autism iyo in waalidka ilmaha dhalay oo kaliya ay xiran
yihiin kabo aan cid kale qiyaasin karin. Marka hooyo ama aabo Soomaliyeed dhakhtarku ku
yiraahdo ilmahaaga cudurka haya daawadiisa ma hayno, sidaad u daawayn lahayd ma
naqaano, waxa keenay ma naqaano - maskaxdaada waxay tagtaa meelo aanad waligaa filan,
qalbigaagugana wuxuu taabtaa xanuun aanad waligaa dareemin. Xanaaq, caro, inkiraad iwm
ayuu waalid walba dareemaa. Qof aan ilmihiisu autism qabin ma dareemi karo waligiis xitaa
hadii uu yahay qof la shaqeeya waxyaabahaas.

Cudur iyo caafimaadba ilaahay baa keena, sidaa daraadeed waa in waalidiinta Soomaaliyeed ee
ay caruurtoodu Autismka qabto ku dadaalaan in ay ilmahooda caawiyaan.  Hadii uunan
ilmahaagu hadlayn, dhakhtarkiisa waydii in speech therapist loo diro.  Hadii uu ilmahaagu cunto
xun yahay, dhakhtarkiisa waydii in loo diro feeding therapist.  Waa muhiim in aad dhakhtarka
ilmahaaga wax walba kala tashatid
By Ayan Kaar